Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo  

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada shanta kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Doorashadan oo ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ayaa waxaa ku tartami doona Musharaxiin dhowr ah oo isugu jira rag iyo dumar oo qaarkood difaacanaya kuraas ay ku fadhiyaan, waxaana doorashada kuraasta qaarkood ay tahay kuwo lagu loolami doono.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartami doona laba Musharax oo kala ah Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed, halka kan labaad ay ku tartamayaan Muno Cumar Xasan, Naciimo Xasan Xaaji iyo Sucaad Xasan Maxamed.

Kursiga saddexaad ayaa ku loolami doona Cabdirisaaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid, kursiga Afaraad ayaa ku tartamaya Axmed Ibraahim Maxamed iyo Baashe Maxamed Ismaaciil, halka kan shanaad ay ku loolami doonaan Deeq Xasan Xuseen iyo Hodan Abuukar Xasan.

Shalay ayey aheyd markii Ergada doorashada Somaliland ay doorteen Lix Senataror oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana Maanta  lasoo gaba-gabeynayaa doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Ammaanka Xarunta Teendhada Afisyooni  ee Magaalada Muqdisho ee lagu qabanayo doorashada ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska dowladda iyo kuwa Booliska AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor