Donald Yamamoto oo Amar Culus dul-dhigay Madaxda M/Goboleedyada

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa amar cusub kusoo rogay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

Safiir Donald Yamamoto oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweyneyaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug aysan Muqdisho ka tegi karin ilaa iyo heshiis laga gaaro Doorashada.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay rabaan doorasho nabad ah oo ka dhacda Soomaaliya, isla markaana Madaxda looga baahan yahay inay heshiis ka gaaran khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho iminka ,Saciid Deni, Axmed Madoobe,Qoor Qoor ,Cali Guudlaawe iyo laftagareen waa in ay Muqdisho joogaan ilaa heshiis laga gaaro” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri uu ka furmo Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, waxaaan shirkaas lagu dhameystirayaa heshiiskii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada sida Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoona ka qeyb galaya Shirka furmaya, kaasi oo ay goobjoog ka noqon doonto Beesha Caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor