Documentiyo dhacay oo lagu gubay Goob fagaare ah oo ku taalla Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Waaxda diiwaan-galinta Gaadiidka (Rayidka) ee (PRA) ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda xilgaarsiinta Mawliid Xuseen Cumar ayaa maanta Goobjooge ka ahaa fagaare lagu gubayey Documentiyo dhacay.

Documentiyadan ayaa isugu jiray (liinsannada) Garaawida (taarikooyinka) baabuurta (Buugaagta) baabuurta) iyo Waraaqo Documentiyo ah oo dhacay.

Tan iyo burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya kadib ayey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, si toosa ugu  hawlgashay (2007) Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo dhismaheedu ku yaalo Degmada Shangaani Ee magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay agaasimaha Waaxda diiwaan-galinta Gaadiidka (Rayidka) Mawliid xuseen documentyadan ayaa lagu urrurinayey (Maqsinno) Loogu talagalay in lagu kaydiyo_laga soo bilaabo (2007) ilaa (2021) Waxaana keenntay in looga maar,may madaama Hada lagu shaqeeyo (electronic) (Computer) Wax walbana halkaa lagu kaydiyo.

Arintan ayaa imanaysa xili Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ay ka samaysay dib u habaynt Xafiisyada u adeega dadwaynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor