Diyaarado dagaal oo saaka lagu arkay hawada Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku warramaay in Saaka Magaaladaasi lagu arkay Diyaarado kuwa dagaalka ah oo dul heehaabaya Magalada, waxaana arga-gac iyo Cabsi ay soo wajahday shacabka u nool magaaladaasi.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay kasoo dul kicitimeen Maraakiib dagaal oo ku sugan Biyaha Soomaaliya, waxaana wararku tilmaamayaan in Labo ka  kamid ah diyaaradaha inay ilaalo kahayay diyaarad weyn oo Milateri, taasi oo dul heehaabeysa Gaalkacyo.

Waxaa la rumeysan yahay in ay diyaaraddu ay wadday Askar iyo xamuul ciidan oo laga qaaday goobo kamid ah Soomaaliya, iaydoo la sheegayo inay ku wajahnayd Saldhigyada Ladagaalanka waxa loogu yeero  Argagixisada ee Barriga Afrika.

Dadka degaanka ayaa sheegay in arrintaani ay cabsi ku abuurtay, ayna ilaa iyo hadda ka cabsi qabaan in markale ay Diyaaraduhu soo laabtaan, waxaana Dowladda mareykanku ay ku guda jirtaa daabulidda 700 oo Askari oo ka joogay gudaha Soomaaliya, meelaha Tababarayaashan laga qaaday waxaa kamid ah Puntland, gaar ahaana Boosaaso iyo Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media