Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil oo duqeyn Cirka ah ka geysatay marinka Qaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn xagga cirka ah ku qaaday saddex goobood oo kala duwan oo ku yaalla marinka Qaza, sida laga soo xigtay ilo wareedyo maxalli ah horaantii saaka oo Isniin ah.

Weeraradaasi ayaa lala beegsaday deegaanada  Rafah, Khan Yunis iyo Beit Lahia oo ku yaal koonfurta Gaza,mana jiraan wax khasaare ah  oo weli la soo sheegay.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa goor dambe sheegay in ay duqeeyeen 4 xarumood oo Xamaas u adeegsan jirtay tababarka ciidanka iyo barashada hubka.

Israa’iil ayaa ku dooday in saddex gantaal laga soo tuuray Gaza 48 -dii saac ee la soo dhaafay,isla markaana  ay burburiyeen nidaamkooda difaaca cirka ee Iron Dome.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor