Diyaarad Xamuul ah oo ku dhacday Magaalada Bardaale

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow ay ku dhacday diyaarad xamuul ah oo siday dad shacab ah.

Dad ku sugan Bardaale ayaa waxaa ay soo sheegayaan in dhicitaanka diyaaradan uu yimid, kadib markii Maanta ay dhowr jeer isku darday inay ka degato Garoonka Bardaale, hayeeshee ay lugaha u bixi waayeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaaradan dhacday ay siday Daawo gargaar ah iyo dad shacab ah, isla markaana ay ka ambabaxday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradda oo ay leedahay African Express Airways ay dad shacab ah ka qaaday Magaalada Baydhabo, isla markaana lagu dhuftay qoriga nooca Soomaalida u taqaano RPG.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay diyaaradaas dhacday, waxaanta goobta si deg deg ah u gaaray dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin, kuwaasi oo gurmad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media