Diyaarad uu la socday Taliyaha Ciidamada Hindiya oo bur-burtay

Diyaarad Helicopter ah oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Hindiya General Bipin Rawat iyo saraakiil kale,ayaa maanta ku burburtay Gobolka Tamiil Naadu ee koonfurta dalkaasi,sida ay sheegeen ciidamada cirka.

diyaaraddaasi oo sidday sagaal sarkaal iyo xaaska taliyaha difaaca ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 4-ruux,halka uu dhaawac ka soo gaaray 3-kale.

Diyaaraddaasi Herikobtarka ah ayaa ka soo ambabaxday saldhigga ciidamada cirka,iyadoo ku sii jeeday kulliyadda adeegga difaaca ciidanka.

Diyaaraddaasi oo nuuceedu ahaa Helicopter IAF Mi-17V5,waxa ay maanta ku dhacday meel u dhow deegaanka Coonoor ee koonfurta Tamil Nadu,sida ay ku warameen saraakiil u hadlay ciidamada Cirka.

Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor