Diyaarad sidday Ciidamo farabadan oo ka degtay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

Diyaarad sidday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeellle.

Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 100 Askari ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay oo Arbaco ah diyaarad gaar ah looga qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo laga dejiyay Magaalada Baladweyne, sida lagu arkay Sawirro laga soo qaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadan Booliska Haramcad ay geeysay Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona farriisimo cusub ka sameeynaya aaga Garoonka iyo meelo kale oo kamid ah Magaalada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka Ciidamada Booliska Haramcad loo geeyay Baladweyne ay tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee la filayo in maalmaha soo socda ka bilaabato Magaaladaas.

Tallaabada Ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyay Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadeysa iyada oo muddo sanad ah uusan Baladweyne tegi Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay kasoo horjeedaan dadka degaanka iyo maleeshiyaad hubeysan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor