Diyaarad siday Gargaar oo lagu rasaaseeyey Gobolka Baay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Baay ayaa sheegaya in diyaarad siday gargaar maanta lagu rasaaseeyey Degmada Qansaxdheere xilli ay degaysay, sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Diyaaradda ayaa waxaa ku dhacday rasaas fudud, waxaana la sheegay in diyaaraddu ay markii dambe kasoo duushay Qansaxdheere, isla markaana ay kusoo laabatay Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen, hayeeshee Mid ka midah saraakiisha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in loo malaynayo in Al-Shabaab ay rasaasta ku fureen diyaaradda, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyada oo 4-tii bishan diyaarad lagu soo riday Magaalada Bardaale ee isla Gobolka Bay, iyadoo diyaaraddaasna qoraal kasoo baxay AMISOM lagu sheegay inay soo rideen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, waxaana halkaas ku geeriyooday 6 ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media