Diyaarad siday Dad rakaab ah oo ku dhacday Garoon ku yaalla Gedo

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay halkaas ay ku dhacday Diyaarad.

Diyaaradan oo nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa kasoo duushay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isla markaana waxaa saarnaa Dad farabadan oo Rakaab ah, waxaana la sheegay inay lugaha u bixi waayeen, sidaasina ku dhacday.

Dadka la socday diyaaradan ayaa waxaa la sheegay inay tiro ahaan gaarayaan ilaa 45 qof, kuwaasi oo kusii jeeday Degmada Elwak ee Ismaamulka Mandheera ee Kenya, taas oo 20-KM u jirta Ceel-waaq.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay shilkaan diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.

Garoonka diyaaradaha Ceel-waaq ee ku dhacday dayaarada ayaa ahaa mid howlgab ah tan iyo markii la dhisay, iyadoo uu u xirnaa arimo siyaasadeed oo salka ku haaya khilaaf u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor