Diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo kasoo degtay Garoonka Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaam kasoo Cagadhigatay diyaarad nooca xamuulka oo sida Deeq Daawo ah, taasi oo ka timid Midowga Yurub.

Deeqdaan Daawada ah ayaa ka kooban qeybo kala duwan, waxaana Garoonka diyaaradaha kula wareegay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Xubno ka tirsan ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in Deeqdan ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay gurmadka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heleyso caalamka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Daryeerka iyo Bulshada Xukuumadd ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay Deeqdan ay soo gaarsiiyeen, iyagoona sheegay in Midowga Yurub uu qeyb ka yahay dowladaha taageera Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media