Diyaarad sida Deeq Caafimaad oo soo gaartay Garoonka Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kasoo degtay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega faafida Cudurka Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay Caasimadda.

Diyaaradan oo ah Itoobiyaan Airline ayaa sida Gargaar Caafimaad oo Maal-qabeen u dhashay dalka Shiinaha ugu deeqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Deeqda Caafimaad ay tahay mid muhiim ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula wareegay deeqada Caafimaad ee loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa soo gaartay diyaarad sida Deeq caafimaad oo dowladda Imaaraadka Carabta ugu talagshay Dowladda Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka ay ka mahadcelisay Deeqdaas.

Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay Deeq Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus ku wareejisay Dowlad Goboleedka Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay deeqda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media