Diyaarad qaadi laheyd Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo lagu xanibay Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho muddo ku dhow hal saac lagu xayiran diyaarad ay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Galmudug u raaci lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb.

Diyaaradda oo aheyd nooca yar ee aada Gobolada dalka ayaa waxaa kireystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Gacal Nuur iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaas oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale Diyaaraddaas oo Magaalada Dhuusamareeb u qaadi aheyd Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa waxaa la sheegay in marka horey ay ogolaasho bixid ah ka heysatay Hay’adda Duulista Hawada dowladda, hayeeshee is hor-istaag lagu sameeyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu diiday in diyaaradaas ay ka duusho Garoonka,  balse wada-hadal dheer kadib loo ogolaaday in diyaraada ay u baxdo Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlasho u joogay Magaalada Muqdisho, iyagoo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media