Diyaarad Milliteri oo ku burburtay Bartamaha Turkiga

Hal Sarkaal ayaa ku geeriyooday Diyaarad Milliteri oo Maanta ku burburtay Degmadda Karatay ee Gobalka Kony ee Bartamaha dalkaasi.

Diyaarad oo nooceedu ahaa NFL-5 ayaa ahayd nooca Tababarka lagu qaato.

Duuliyihii Diyaaradda oo lagu magacaabo Kabtan Burak Geneccelebi ayaa ku geeriyooday shilkaasi.

Waa shilkii labaad oo ay Diyaarad ay Milliteriga Turkiga lahaayeen burburtay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Lama sheegin waxa sababay shilkaasi.

Madaxweyne Erdogan waxa uu ka Tacsideeyey Shilka Diyaaradeed.

Bishii Feberaayo, 11 Askari oo uu ka mid ahaa Jeneral ayaa ku dhintay Diyaarad Helikopter oo ku burburtay Gobalka Bitlis ee Bartamaha Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor