Diyaarad ku burburtay dalka Iraq iyo Duqeyn loo geystay Safaaradda Maraykanka

Diyaarad Helikoptar ah ayaa ku burburtay Gobalka Salaaxudiin ee W/Bari ee dalkaasi, iyadoo ay ku wada geeriyoodeen shantii shaqaalaha ee la socday.

Diyaaradda ayaa waxaa la sheegay inayku dhacday meel ku dhow Degmadda TuzKhurmatu.

Dhinaca kale, Labo Gantaal ayaa waxaa maanta lala beegsaday Dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Baqdaad.

Wakaalladda Wararka Iraq ee Shafaq News Agency waxay ka soo xigatay Ilo dhanka Ammaanka inay 2 Gantaal oo noocoodu yahay Katiyuusha ku dhaceen Dhismaha Safaaraddaasi oo ku taalla Deegaanka Cagaaran ee Baqdaad.

Nidaamka Difaaca Gantaalladda ee C-RAM ee Milliteriga Maraykaanka ayaa la sheegay inay ku guul-daraysteen inay ka hortagaan Gantaalladaasi oo uu burburkooda ku dhacay gudaha Deegaanka Cagaaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor