Diyaar garowga soodhaweynta RW Rooble oo ka socota Galinsoor

Magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soodhaweynayo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooroor.

Waxaa magaalada laga dareemayaa  diyaar  garowga lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana bulshada ku nool Galisoor ay wadaan soo dhaweyntii ugu dambeysay ee ay ugu diyaar garoobayaan Soodhaweynta Rooble iyo Wafdigiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu xalay magaalada Cadaado uga qeyb galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana la filayaa in goordhaw uu gaaro Galinsoor, waxaana uu gaari doonaa degaanno kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media