Dil Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faah faahin laga helay

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa barqanimadii Maanta gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgala degmadaas.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen laba Askari oo Boolis ah, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid ee xaafadda shagta.

Raggii ka dambeeyay falka ayaa waxaa la tilmaamay inay durbo goobta isaga carareen, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ka Agdhawaa goobta, isla markaana qaaday Meydadka Askarta la dilay.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hubeysan Bastoolado, waxaana xusid mudan in inta fallakaas dhaca ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor