Dil Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Puntland oo Maanta gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Darawal Mooto Bajaaj oo kamid ahaa dhalinyaro ku shaqeysanayay Mootada.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in dilka loo geystay Darawalka Mooto uu sigaar ah uga dhacay wadada Soddonka ee Garoowe oo ay isticmaalaan gaadiidka Bajaajta, isagoo u geeriyooday rasaas lagu furay.

Darawalka oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Xuseen Mire, waxaana goobta uu dilkiisa ka dhacay ka baxsaday Ciidankii falkaas fuliyay oo la tilmaamay inay wateen gaari nooca raaxada ah.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dilka Marxuum Cabdixakiin Xuseen laamaha amniga Puntland ay u qabteen laba Askari oo haatan xiran, iyadoona Meydka la geeyay Isbitaalka Carafaat.

Ciidamada Maamulka Puntland oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan dadka rayidka ah ayaa marar badan dhibaato u geysta shacab aan waxba galabsan, waxaana sidaan oo kale gudaha Magaalada Garoowe loogu dilay Wiilal dhalinyaro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor