Dil lagu xukumay Haweeney ilmo xaday

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobalka Bari waxaa maanta la soo taagay Haweeney klagu magacaabo Ruqiyo C/raxmaan Maxamed oo ku eedeysan inay gabar yar oo ay soo xaday ku dhimatay gurigeeda.

 

Guddoomiyaha Maxkamaddaasi, Abuukar C/nuur Jaamac waxa uu ku dhawaaqay Xukunka ay Maxkamadda ka gaartay Kiiskaasi, wuxuuna xusay in Haweeneyda Eedeysanaha ay qiratay inay xaday gabar la oran jirey Ruweyda oo Hal sano jir ahayd, taasi oo gacanteeda ku geeriyootay.

 

Guddoomiyuhu waxa uu Ruqiyo C/raxmaan Maxamed ku xukumay Dil Toogasho ah, halka saygeeda oo lagu magacaabo Ismaaciil Cali Nuur lagu xukumay xabsi 3 sano ah.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda waxa kale oo uu sheegay inaan Saygeeda lagu helin caddaymo muujinaya inuu ku lug lahaa Xatooyada Ilmahaasi, balse, uu qirtay inay xaaskiisa ilmaha yar guriga ku hayn jirtay.

 

Labada Eedeysane ee xukunka lagu riday waxay haystaan muddo 30 maalmood oo ay Rafcaan kaga qaadan karaan Xukunkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media