Dil labaad oo ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan iyo faah faahin laga helay

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in gabal-dhicii galabta halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka.

Dilka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka Bacda ee hoostega Matabaan, isla markaana waxaa fuliyay rag hubeysan oo loo maleynayo inay ahaayeen Maleeshiyaad, iyagoona dhowr xabadood ku dhuftay Ninkaas.

Dad yaqaanay Ninka la toogtay ayaa tilmaamay inuu ahaa ruux Darawal ah oo kaxeeyn jiray gaari, balse galabta ay dileen rag hubeysan, waxaana la xusay in falkaas uu la xiriiray arrimo ku aadan aano beeleed.

Waa qofkii labaad ee wax ka yar 12-saac gudahood arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilo deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo barqannimadii Maanta halkaas lagu qof shacab ah.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga ka dhacay dilal iyo dagaallo oo dhammaantood salka ku haya aanooyin Qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah la dhex-dhigay heshiis beelaha halkaasi inta badan ku dagaalamay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media