Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa arroornimadii hore ee saakay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geystay Askariga uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Sarta Koofiga ee  degmada Kaaraan, isagoona u geeriyooday xabbado dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Raggii ka dambeeyay falka dhaca oo watay Bastoolado ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa sida cadaada aheyd goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ayaa qaaday Meydka Askariga la toogtay ee ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas saaka ka dhacay degmada Kaaraan.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilal ka dhaca Muqdisho sheegta Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor