Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Batoolad ayaa barqanimadii Maanta gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa qaada Canshuurta ee Minishiibiyada loo yaqaano.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga ka tirsanaa dowladda la toogtay, xili uu ku sugnaa Suuq Boocle oo ku yaalla Dharkeenley, isagoona u geeriyooday rasaas lagu furay.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, waxaana sida caadada aheyd tegay halkaas Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydka Askariga la dilay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga la toogtay uu kamid ahaa Askar kuwa Canshuurta ka qaada Ganacsatada Suuq Boocle ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falalkaas ka dhacay Caasimadda dalka, Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor