Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada Caanka ahaa Waqooyiga Gaalkacyo.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogasho ku dilay Nabadoonka, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Gaalkacyo, isla markaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in raggii hubeysnaa ay goobta ugu baxsadeen Luuq yar oo halkaas ka Agdhawaa, waxaana diiqiiqdo kadib tegay goobta Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Puntland oo Meydka qaaday.

Ciidamada ayaa xaafadaha ku teedsan halka uu dilku ka dhacay ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay ragii hubeysnaa, in kastoo aan lagu guuleysan soo qabashadooda,  waxaana Nabadoonka lagu magacaabi jiray Nadiir Sheekh Maxamed.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro geystay khasaaro, isla markaana waxaa inta badan falalkii horey halkaas uga dhacay mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media