Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goordhow Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dilka loo geystay Ninkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob dukaan ah oo uu ku lahaa Xaafadda Wadajir Gaalkacyo dhanka xiga Galmudug, isla markaana u geeriyooday xabbado dhowr ah oo lagu huwiyey.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Shire (Seetar), waxaana goobta uu falkaas ka dhacay durbo ka baxsaday raggii hubeysnaa ka dambeeyay falkaas oo watay Bastoolado.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ay qaadeen Meydka Marxuum Cabdinaasir Maxamed.

Si kastaba weeraro iyo dilal qorsheysan ayaa horey sidaan oo kale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in falalkaas dhacay oo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo dad kale ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor