Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in bartamaha Magaaladaas lagu dilay Taliyihii hore ee Kaantaroolka Boosaaso ee Maamulka Puntland Barkhad Guduudane Buryar.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Taliyihii hore ee Kaantaroolka Boosaaso ku dilay weerar gaadmo ah, xili uu ku sugnaa goob ku taalla bartamaha Magaalada, isagoona u geeriyooday rasaas xoog leh oo ay dableyda ku furtay Taliyaha hore.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa durbadii goobta uu falku ka dhacay tegay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuum Barkhad Guduudane Buryar oo laga yaqaanay gudaha Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in laamaha amniga Puntland ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dableydii ka dambeysay dilka loo geystay Taliye Barkhad Guduudane, kuwaasi oo goobta ka baxsaday dilka kadib.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan loo geystay Saraakiil, Taliyeyaal Ciidan iyo dad shacab ah, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Mas’uuliyadooda Al-shabaab iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor