Dil ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland oo habeenkii xalay aheyd gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka raggaas uu ka dambeeyay, kadib markii xaafad ka tirsan Boosaaso uu ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray laba koox oo dhalinyaro ah, ayna dagaalkaas ku soo baxeen Ciidanka amniga.

Ciidanka Booliska oo doonayay inay dhalinyarada kala eryaan ayaa joojinta dagaalka u adeegsaday rasaas, waxaana markii dambe rasaasta ay fureen Ciidamada ku  dhacday laba kamid ah dhalinyarada, iyagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro dhowr ah oo qeyb ka ahaa dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaray, waxaana qaar kamid ah rasaas soo gaaray dhaawacyo loo adeegsaday dhagxaan.

Si kastaba Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la tilmaamay in xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal la xiriira dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray dhalinyaro kamid ah kuwa deegaanka, iyagoona mararka qaar isku geysta dhaawacyo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media