Dil ka dhacay goob loo Dalxiis tego oo ku taalla Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal Dil ah oo ka dhacay beeraha loo Dalxiiska tego ee ku yaalla Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkaas geystay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ee ku sugnaa halka laga gelo beeraha Dalxiiska deyniile ayaa rasaas ku furay gaari nooca raaxada ah oo ku socday xawaare sare, soona galayay beeraha xili ay dad badan ku sugnaayeen halkaas.

Dad goobjoogaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Ciidanka ay gaariga uga shakiyeen inuu waday waxyaabo qarxa ayna rasaas ku fureen gaariga, waxaana halkaas ku geeriyooday hal ruux oo saarnaa gaariga.

Intaas kadib Ciidanka dowladda ayaa baaritaano kala duwan ku sameeyay gaariga, isla markaana waxaa la tilmaamay in laga waayay waxyaabihii looga shakiyay ee qaraxa ahaa, sidoo kalena la xiray Darawalkii waday gaarigaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Darawalka waday gaariga la rasaaseeyay uu lugta la waayay bareega, sidaasina uu gaarig ugu socday si xawaare sare, waxaana mar qura  isla qeyliyay dad badan oo ku sugnaa halka laga galo beeraha dalxiiska Degmada deyniile.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa inta badan maalmaha Jimcaha iyo Khamiista ah u dalxiiska tega beeraha dalxiiska ee ku yaalla Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir, iyagoo halkaas ku galaya Sawirro kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media