Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lasoo sheegaya in dilkaasi loo gaystay Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Nuur Xaashi oo ahaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo.
Wararku waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay dilka fuliyeen, waxaana marxuumka la dilay uu ku sugnaa boos uu ku leeyahay duleedka Kismaayo, waxaana goobta isaga baxsaday dableeydii marxuumka dilay sida ay sheegayan wararka aan ka helayno duleedka Kismaayo.
Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka Ammaanka iyagoo sameeyay howlagallo ay ku baadi goobayaan dableydii falka dilka ah gaystay, iyadoo aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaaasi.
Dilalka loo gaysto Ciidanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa dhawaanahaan kusoo badanayay degaanada maamulkaasi