Dil ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas goordhaweyd lagu dilay Wiil dhalinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas Jalalaqsi.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in koox hubeysan oo watay Bastoolad ay dileen Wiilka dhalinyarada ahaa, xili uu ku sugnaa bartamaha Magaalada, wuxuuna u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee Jirka.

Magaca Wiilka la dilay ayaa dad yaqaanay waxaa ay ku sheegeen Cabdulle Maxamed Maxamuud oo kamid ahaa dadka deegaanka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, isla markaana muddo sannado ah uu la shaqeynayay Hay’addo Samafal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada iyo qaar kamid ah qoyska Marxuumka ayaa daqiiqado kadib goobta falka ka dhacay ka qaaday Meydka Marxuumka, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka loo geystay Cabdulle Maxamed Maxamuud uu la xiriiro aano qabiil, in kastoo aan la cadeyn warkaas, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Jalalaqsi oo ay uga hadlayaan dilkaas dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor