Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay Magalada Idmanton Gobolka Alperto ee dalka Canada siyaabo kala duwan dil iyo dhawaac loogu gaystay Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku noolaa dalkaasi.
Qof Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu dilay sida lasoo sheegaya, waxaana la dhaawacay mid kale, Marxuumka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Bashiir Xaaji Cali, waxaana uu ka mid ahaa Soomaalida ku nool dalkaas Canada.
Koox hubeysan ayaa la sheegay in labada muwaadin ay rasaas ku fureen xilli ay ku sugnaayeen Goob ku taalla Waqooyiga Magalada Idmanton ee dalka Canadan waxaana Goobta isaga baxsaday dableydii Rasaasta furay.
Ciidanka Booliska ayaa gaaray halka falku ka dhacay, waxaana ay sheegen Saraakiishu in ay wadaan Baaritaan ku aaddan dilka iyo dhaawac loogu gaystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed Waqooyiga Magalada Idmanton ee dalka Canada.
Soomaalida ku nool dalalka Shisheeya ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan falal dil iyo dhac ah, mana jirto inta badan cid si gaar ah isaga xilaarta sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiila yaasha sida bareerka ah u dila Muwaadiniinta Soomaaliyeed.