Diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta Golaha Shacabka ee Galmudug oo bilaabatay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ee laga soo doorto Galmudug.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay Musharaxii ugu horreeyay oo ah Yuusuf Geelle Ugaas oo u sharaxan kursiga tirsigiisu yahay HOP026, waxaana Yuusuf Geelle la siiyay Shahaadada Musharaxtinimada.

Guddiga ayaa Musharaxiinta kale ee kuraastooda maalmo kahor lasoo saaray ka dalbaday inay is diiwaan-geliyaan, si ay uga qeyb galaan tartanka doorashada kuraasta ugu horreysa ee Golaha Shacabka ee Galmudug.

Yuusuf Geelle Ugaas ayaa dhawaan iska Casilay xubnimada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo mar kale bishii Ogoosto ee sanadkaan 2021 loo doortay inuu Senator noqdo, balse Is Casilay, una soo wareegay Golaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dhacdo doorashada kuraasta ugu horreysa ee Golaha Shacabka, waxaana socota diiwaan-gelinta Musharaxiinta oo bilaabatay