Dibadbaxyo looga soo horjeedo Faransiiska oo rabshado isu bedelay

Tobannaan dibadbaxayaal ah ayaa waxa ay isku-dhaceen booliska caasimadda Faransiiska ee Paris, halkaas oo ay ka dhacayaan dibadbaxyo horleh oo loogaga soo horjeedo qabyo qoraal ammaanka ku saabsan.

Booliska ayaa dadka la dhacay sunta dadka kaga ilmaysiisa kaddib markii dibadbaxayaal wajiga soo dabooshay ay dariishado burburiyeen dhowr baabuurna ay dab qabadsiiyeen.

Ku dhawaad 100 isu soo bax ayaa waxaa Sabtidii la qorsheeyay in guud ahaan ay dalkaas ka dhacaan iyadoo dadku ay ka soo horjeedaan hindise sharciyeed meesha ka saaraya in sawirro laga qaado booliska.

Dadka arrintaas ka soo horjeeda ayaa waxa ay sheegayaan in arrintaas ay wax u dhimayso xorriyadda saxaafadda diiwaangelin laheyd dhibaatada uu boolisku gaysto.

Faransiiska ayaa waxaa ka dhacayay dibadbaxyo todobaadyo socday oo hindise sharciyeedkaas loogaga soo horjeeday, iyadoo dibadbaxyadu ay sii xoogaysteen markii uu soo shaacbaxay muuqaal tusinaya saddex askari oo boolis caddaan ah oo midab ahaan ugu tacaddiyaya garaacayana nin madow oo muusikada soo saara.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media