Dib u dhac ku yimid qabashada Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka

Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu waday inay berrito ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada doorashada afarta kursi ee filayey inay dhacdo berri oo sabti ah la qabanayo maalinta Axada oo ay taariikhdu tahay 19/12/2021.

Kuraasta doorashadooda dib loo dhigay ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin HOP#262,  HOP#229, HOP#254 iyo HOP#255, waxaana kuraasta loo diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah oo doonaya inay tartan u galaan doorashada..

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jrtay, waxaana la filayaa in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka todobaadka soo socda mar kale  dib uga bilaabato Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor