Dhuusamareeb:Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug garabka Magalada dhuusamareeb ee dhawaan sheegay inay xilkii ka qaadeen Cali gacal Casir ayaa waxa ay soo saareen jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Kulan ay ku yeesheen Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku sheegeen in codsiyada Xubnaha isasoo sharaxaya ay Maanta oo Khamiis ah bilaaban doonto kuna egtahay 22-ka bishan oo ku beegan Maalinta sabtida.

Xoghayaha gudiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Xildhibaan Mire ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishan Xildhibaanada su’aalo weedyiin doonaan musharixiinta,halka hadal jeedinta ay noqon doonto 24-ka bishan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay dhici doono 25-ka Bishaan Maalinta talaadada ah ee soo socota.

Si kastaba tallaabada ayaa ku soo aadeysa xilli Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ay ku sugan yihiin guddigii Aqalka sare u xil saaray xalinta khilaafka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay soo bandhigeen shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor