Dhowr qof oo lagu dilay Garoonka Diyaradaha ee Kabul

Dhowr qof ayaa saakayto lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka rasaas fureen.

Ilo dhanka Amaanka ayaa sheegay inay Ciiddanka Maraykanka ee la wareegay Garoonkaasi ay rasaaseeyeen dad Reer Afgaan ah oo ku sugnaa xayndaabka Garoonka oo uu Ciriiri badan ka jiray.

Wakaalladda Wararka FP waxay mar sii horeysay sheegtay inay Ciiddanka Maraykanka rideen rasaas digniin ah, si ay dib u celiyaan dad badan oo ku soo xoomay Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan (The Runway).

Goobjoogayaal kale la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxay sheegeen in ugu yaraan 5 qof lagu dilay Rasaasta ay Ciiddanka Maraykanka ku fureen dadweyne badan oo ku yaacay Diyaarad Garoonka taagnayd, si ay u baxsadaan Cabsida iyo Hubaal La’aanta ka jirta magaalladda Kabul.

Warbaahinadda Caalamka waxay qaarkood sheegayaan in ugu yaraan 3 qof lagu dilay Garoonka Kaabul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor