Dhooba-daareed “Madaxweynaha Puntland waa gacan ku dhiigle”

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed (Dhooba-Daareed) ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee uga soo horjeestay kalsooni kala noqoshadii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Dhooba-Daareed oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu Madaxweyne Deni uu ku eedeeyay in uu ku tuntay Dastuurka lagu doortay, haatana uusan ka hadli karin xil laga qaaday Ra’iisul Wasaare Qaran.

Dhooba-Daareed ayaa sheegay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay gacan ku dhiigle weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland, uuna halkaas Ciidamo uu diray ay ku laayeen Ciidamo ilaalo ka haayay Xarunta xiligii isaga uu Guddoomiye ahaa.

Sidoo kale Dhooba-Daareed ayaa waxaa uu tilmaamay in Deni uusan ka hadli karin xilka qaadis Ra’iisul Wasaare, uusana eedeeyn u jeedin karin Xildhibaano qaran, maadaama uu sheegay in Deni uu ku duntay Dastuurka Puntland.

“Deni ma kala hadli karo Dastuur la jebiyay, waxaayo waxaa uu xil ka qaadis Guddoomiye Baarlamaan uu u adeegsaday hati farabadan, isaga ayaa ku tuntay sharciga, uuna jediyay Dastuurka Puntland, haatana kama hadli karo Dastuur la jebiyay iyo xil ka qaadis Ra’iisul Wasaare” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Si kastaba hadalka Dooba-daareed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu sharci darro uu ku tilmaamay xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre, sidoo kalena Madaxweyne Maxamed Cabdullahai Farmaajo ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka dalka, uuna ka dambeeyay xilka qaadistii Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media