Dhismaha waddada u dhexeyso Gaalkacyo iyo Hobyo oo gashay wajiga 3aad

Wajiga seddaxaad ee dhameestirka waddada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa lagu bilaabay si isku tashi ah, waxaana lagu guuleestay 160KM  oo u dhaxeysa magaalooyinka Hobyo iyo Ceel Guula, kaasi oo lagu dhisay mashruuc.

Wajiga seddaxaad ee dhismaha waddadaan la qorsheynayo in lagu dhiso 105 km, oo u dhaxeeysa magaalooyinka Ceel Guula iyo Gaalkacyo sida uu sheegay Dr Cumar Salaad Cilmi oo ka mid ah madaxda guddiga waddada dhismaha ee (GOB)

Dhismaha waddadan ayaa waxaa gacan balaaran ka geystay Haweenka Soomaaliyeed markii la bilaabay ilaa iyo hadda, waxayna wax lagu farxo ku tlmaameen mira dhalka isku tashiga, iyagoo dhanka kalana codsaday in loo istaago sidii looga qeyb qaadan lahaa dhameystiraka inta yar ee dhiman dhismaha waddadaan.

Guddoomiye ku xigeenka gudiga GOB Axmed Urur ayaa sheegay in xiligii guusha ay dhowdahay, loona baahanyahay inaan laga caajisin ka qeyb qaadashada dhameystirka wajiga sedaxaad ee dhismaha waddadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media