Dhismaha Safaaradda Kenya ee Muqdisho oo xarigga laga jaray

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomalaiya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee safaaradda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya xubno ka socday, wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho.

Furista safaaradda cusub oo ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor