Dhinacyadii isku hor-fadhiyey Magaalada Baraawe oo la kala qaaday iyo xaaladda oo degan

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dhinacyadii isku hor-fadhiyay Magaaladaas la kala qaaday, kadib dagaalkii shalay halkaas ka dhacay.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xaafaddo ka tirsan Baraawe isku hor-fadhiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada iyo rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed oo kasoo horjeeda Golaha degaanka loo dhisay Baraawe.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in labada dhinac ee Ciidanka Maamulka iyo Maleeshiyaadka la kala qaaday, isla markaana dabaqyada laga dajiyay Ciidamadii Ammaanka degmada oo dabaqyada la saarnaa qoryo waaweyn.

Maamulka degmada ayaa la tilmaamay inuu sameeyay dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo dagaalkii shacay ka dhacay Magaalada, kaasi oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe uu istaagay.

Qaar  kamid ah beelaha dega Magaalada ayaa waxaa la sheegay inay kasoo horjeeysteen qaabka loo qeysaday kuraasta Golaha degaanka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xusid muran in Israsaaseyn ka dhacday Xaruntii ay ka socotay doorashadii Golaha degaanka degmadaas, xiligii Xildhibaanada degaanka la dooranayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor