Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Somaliland

Laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, halka laba kalena waa ay ku  dhaawacmeen, kadib markii Shil Gaari uu Duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Hargeysa.

Shilkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid ay la socdeen dad shacab ah, waxaana shilka uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Isha-Gobka oo ku yaalla  koonfurta Hargeysa.

Dadka deegaanka ayaa goobta uu shilku ka dhacay si deg deg u tegay, isla markaana gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Xarun Caafimaad.

Sawirro laga qaaday goobta uu shilku dhacay laguna faafiyay brahaa Bulshada ayaa waxaa lagu arkayay mid kamid ah labada gaari ee isku dhacay oo burbur xoogan soo gaaray.

Dhowr jeer ayaa shilal kala duwan oo geystay Khasaarooyin waxaa ay ka dhaceen deegaano ku yaalla Somaliland, waxaana inta badan shilalkaas loo sababeeyaa Darawalada oo gaadiidka u kaxeeya si xawaare sare ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media