Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil gaari oo  ka dhacay degaan Hoos taga Burtinle

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil gaari oo ka dhacay deegaanka Farjano oo hoostaga Degmada Burtinle ee Gobolka Nugal ee Maamul Goboleedka Puntland.

Shilkaasi ayaa lasoo sheegayaa imuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la xaqiijiyay Dhimashada labo qof iyo dhaawaca sadex qof oo kale, waxaana shilkaasi yimid kadib markii ay  isku dhaceen gawaarida nooca looyaqaan Maarkeed iyo Candha-baydle.

Ciidanka booliska qaybta Nabadgelyada waddooyinka ayaa markiiba ka howlgalay iyagoo dhimashada iyo dhaawaca geeyay isbitalka wayn ee degmada Burtinle waxayna bilaabay baaritaan ku aadan sida uu shilka udhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor