Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil gaari oo dhacay

Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku geeriyootay in ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib Shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeeysa deegaan lagu magacaabo Motta iyo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka dhashay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari  oo kala ahaa Gaari Bus iyo mid nooca xamuulka qaada ah, waxaana gaariga Bus-ka ahaa uu siday dad shacab ah, wuxuuna kusii jeeday Addis Aabab.

Dad shacab ah iyo dhaqaatiir  Caafimaad ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu shilka ka dhacay, kuwaasi oo gurmad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay, waxaana dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad.

Itoobiya ayaa bilowga sanadkaan 2020 waxaa laga diiwaan-geliyay kiisaskii ugu badnaa shilal ah, waxaana Ciidamada Nabadgalyada wadooyinku xaqiijyeen inay jiraan habacsanan dhanka wadista Gaadiidka iyo wadayaashoo aan u hogaansamin hab u socodka waddooyin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media