Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari Ciidan oo rogmaday

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas uu ku rogmaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Somaliland.

Ciidamada oo la socday gaari nooca dagaalka ee Cabdi Bileha ayaa rogmaday xili uu marayay duleedka Ceerigaabo, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in gaariga uu ku socday xawaare Sare  uuna mar qura wadada ka baxay.

Ugu yaraan 9 Askar oo ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay Shilka, halka hal Askari uu geeriyooday, waxaana Meydka iyo dhaawacyada Askarta la kala geeyay Ceerigaabo iyo Hargeysa.

Ciidamada Somaliland ee gaariga la rogmaday ayaa kusii jeeday deegaanka Fadhigaab ee hoostaga Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag oo shalay dagaal xoogan oo geystay Khasaaro isugu jiram dhimasho iyo dhawac uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidankaas oo ka baxay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ay doonayeen inay kala dhex-galaan Maleeshiyaadka dagaalamay, hayeeshee intan aysan gaarin deegaanka uu gaariga la rogmaday.