Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Cagaf siday Saraakiil iyo Dad Shacab ah oo ku Gadoontay Buundada Beledweyne.

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in gaari Cagaf ah oo ka qayb qaadanayay gurmadka dadka ku xayiran magaalada in uu saraakiil iyo dad shacab ah uu kula gadoomay Buundada Beledweyne.

Gudoomiyaha magaalada Beledweyne Maxamed Cismaan Macalin Qalaafoow oo la hadlay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyay in Cagafta ku rogmatay Buundada in ay siday Saraakiil iyo dad shacab ah khasaarana uu ka dhashay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in Saraakiisha iyo dadki saarnaa oo dhan in ay ku daateen Webiga,Dhinaca kale waxa uu sheegay in la soo badbaadiyay Saraakiisha iyo dadka hase,ahaatee uu dhaawac soo gaaray qaar kood halka hal qof oo kalana uu ku dhintay.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor