Dharkeenleey oo ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada G.Banaadir

Degmadda Dharkenleey ayaa ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada G.Banaadir 2021, kadib cayaar kulul oo Garoonka En.Yariisow kula yeelatay Degmada Warta nabadda ee Gobolkani Banaadir.

Labada dhinac ayaaa soo bandhigay cayaar la wada jeclaystay oo ay usoo daawasha tageen kumannaan ka mid ah dad cayaaraha xiiseeya,waxaana intii cayaartu socotay ay labada dhinac Abuurreen fursado goolal loo filan karay.

Labada Gool haye ayaa sidoo kale  bad-baadiyay fursado, waxaa isku dayo macquul ah sameeyay weerar yahannada labada kooxood iyo xidigaha khadka dhexe.

Balse cayayarta ayaa ku dhammaaatay barbarro goolal la’aan ah oo labada dhinac wey is mari waayeen,taasi oo keentay in loo baahdo in lagu kala saaro gool ku laad ama Rigoore yaal.

Degmooyinka Dharkeenley iyo Warta nabadda ayaa tuurtay min Todobo gool ku laad, waxaana Degmada Dharkeenlay ay shabaqa ku hubsatay 6 darbo, halki dhiggeeda Warta Nabaddana ay iska khasaarisay labo gool ku laad,taasi oo ka dhigan in 7-6 farqi ah ay guushu ku raacday degmada Dharkeenlay oo ka mid ahayd naadiyada sida weyn loogu saadaalinayay koobka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor