Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa hawlagallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaa. deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay xireen Al-Shabaab ee ju yaalla duleedka degmada Balad-Xaawo oo go’doonsan.
Shalay gelinkii dambe ayaa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda waxaa halkaasi ku dhexmaray dagaal culus kadib markii ay Al-Shabaab wadada u galeen Gawaari uu la socday taliyaha amniga degmada Balad-Xaawo.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolka Gedo,madaama ay Al-Shabaab culeys saareen degmada Balad-Xaawo.
Laba maalin ka hor ayay Al-shabaab waxa ay weerareen degmada magaalada Baladxaawo,iyaga oo dilay Nabadoon magaalada caan ka ahaa,kaa soo lagu Magacaabi jiray Dhaqane Iimaan.