Dhaqaatiirta caafimaadka dalka Sudan oo ka cabanaya Ciidanka ammaanka

Dhaqaatiirta caafimaadka ee dalka Sudan ayaa ka dibadbaxaya waxay ku sheegeen weerarro ka dhan ah shaqaalaha caafimaadka tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen dibadbaxyada ay dhigayaan dadka ka soo horjeeda xukunka milatariga.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta magaalada Khartuum oo lagu magacaabo Huda Axmed ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in ciidamada ammaanku ay suntan dadka ka ilmaysiisa ku fureen Cusbitaallada.

In ka badan lixdan qof oo ka mid ah dadka u dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa lagu dilay mudaharaadyada looga so horjeedo afgambigii dalka Sudan ka dhacay bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay .

Dhawaan ayay ahayd markii mas’uuliyiinta dalka Sudan ay ruqsadii kala noqdeen Telefishinka Aljazeera ee lga leeyahay dalka Khadar kaa oo lagu eedeyay in si aan habooneyn u tabiyay bannaabaxyada mucaaradka.

Bishii Nufeember ayaa Khartuum lagu xiray madaxa laanta Al-jazeera ee dalka Sudan iyadoo saddex bari kadibna la sii daayay muddadaas oo aan wax maxkamad ah la soo taagin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor