Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo saaka laga dareemayo degaano hoostega Guriceel

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Galmudug oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa degaanka Ceeldheere ayaa xalay u jaheystay dhanka Guriceel oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo ay qabsadeen laba todobaad kahor.

Ciidamada oo iskaashanaya ayaa doonaya inay weerar ku qaadan Guriceel oo heysato Ahlusunna, waxaana sidoo kalena gudaha Magaaladaas abaabul Ciidan ka wada Ciidamada Ahlusunna oo Magaalada ka sameeystay difaacyo hor leh.

Dadka deegaanka ayaa ksuoo warramaya inay dareemayaan cabsi xoogan oo la xiriirta dagaal culus oo laga cabsi qabo inuu magaalada Guriceel ku dhexmaro Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in qaar kamid ah dadka deegaanka Guriceel ay bilaabeen inay halkaas isaga barakacaan, iyagoona aaday dhanka degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, si aysan waxyeelo uga soo gaarin Colaada laga baqayo.

Dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in xal looga gaaro xiisada u dhexeeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa fashilmay, waxaana la sheegay in Maamulka Galmudug uu go’aan ku gaaray in la weeraro Ahlusunna oo ku sugan Magaalada Guriceel iyo degaano kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor