Dhakhtarad Ajnabi ah oo Iska soo tuurtay dabaq ku yaala Magaalada Garowe

Mid ka mid ah dhakhaatiirta ka howgali jirtay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa iska soo tuurtay dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaaladaasi.

Dhakhtaradda ayaa lagu magacaabaa Dr. Nadia Omar, waxaana ay tahay dhakhtar ku takhakhustay xanuunada Haweenka, iyadoo la sheegay in ay iska soo tuurtay dabaqa ugu sarreeya City View Hotel oo ku yaal magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Wararka aan helayno ayaa intaa ku daraya in Dr. Nadia Omar ay kasoo jeeddo dalka Itoobiya, gaar ahaan Qowmiyadda Amxaarada, iyadoo in muddo ah ka howgalaysay Isbitaalada ku yaalla garoowe, inkastoo sida aynu xog hoose ku helnay ay dhawaan shaqada isaga tagtay.

Xaaladda dhakhtaradda ayaa ah mid aad u liidata, waxaana soo  gaafaray dhaawac aad u culus, iyadoo haatan xaaladdeeda Caafimaad lagula tacaalayo magaalada garoowe. Waxaana lasoo sheegayaa in dhaawaceedu uu halis yahay.

Dr. Nadia Omar ayaa ah xaaska dhakhtar u dhashay dalka Suuriya, balse haysta dhalashada dalka Turkiga,ilaa iyo haddana lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ay iska soo tuurto dhismahaasi.

Wali waxaa socda baaritaan qoto dheer oo laamaha ammaanku ay ku sameynayaan kiiska Dr. Nadia Omar.