Dhageyso:Maxaa ka jira in Wadahadallo dhex mareen Wasiir Cawad iyo dhigiisa Soomaaliland?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ka hadlay warar soo baxay oo sheegayay in uu Arrimaha Soomaaliya kala hadlay masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland.

Waxa uu sheegay wasiir Cawad in ay kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire balse uusan hadlin arrimo ku saabsan Wadahadalada Soomaaliya Iyo Soomaaliland.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu la kulmay Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliland balse ay ka wada hadleen arrimo iyaga u qaas ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media